Culimada muslimiinta ee dalka ayaa ka dib shir ay shalay yeesheen waxay ka soo saareen go’aan ah in maalinta Axadda ee soo socoto guud ahaan wadanka laga sameeyo roob doon Alle bari ah saameynta abaarta awgeed.
Guddoomiyaha dalladda hoggaamiyaasha muslimiinta dalka ee NAMLEF laanteeda Garissa Sheekh Xasan Cabdullahi Cameey ayaa arrinkan ka hadlay.