Guddoomiyaha Garissa oo furay xarunta falcelinta degdegga ee musiibooyinka

0
523

Barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorone ayaa si rasmi ah u furay xarun ka shaqeyn doonto in si degdeg ah looga falceliyo oo loo xakameeyo saameynta musiibooyinka.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ismaamulka Garissa uu hadda si buuxda ugu diyaar garoobay la tacaalidda musiibo kasta iyadoo la adeegsanaya tiknolojiyad casri ah.
Waxaa uu Cali Bunow carrabka ku adkeeyay in hadda ay suurtagal tahay in xilli hore la ogaado musiibada , la qiimeeyo sidoo kalena la isku duba rido dadaallada ka dhanka ah abaaraha, daadadka , dhacdooyinka dabka iyo faafitaanka Ayaxa ka hor inta aynan faraha ka bixin.
Guddoomiyaha ayaa dhanka kale hay’adda laanqayrta cas laanteeda Kenya uga mahadceliyay iskaashiga ay la sameysay maamulkiisa kaasoo fududeeyay in lagu guulaysto hirgelinta xaruntan.
Sidoo kale waxaa barnaamijkan maalgeliyay waaxda qaaradda Yurub u qaabilsan badbaadinta rayidka iyo gargaarka baniaadanimo ee ay taageerto hay’adda laanqayrta cas laanteeda Ingiriiska.
Cali Bunow ayaa xusay in la sii wadi doono biyo dhaaminta loo sameynaya dadka ay abaartu saameysay ilaa iyo inta dhammaan deegaan baarlamaneedyada Garissa ay ka da’ayaan roobab ku filan.