Madaxweynaha koonfur Galbeed oo bali-doogle gaaray

0
411

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maantay gaaray Xerada Ciidanka cirka Soomaaliya ee Bali-doogle oo ku taala Gobolka Shabeelaha Hoose.
laftagareen oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada Baydhabo ee caasimada KMG koonfur Galbeed ayaa waxaa Balli-doogle kusoo dhaweeyay Saraakiil katirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee halkaas saldhigyada ku leh.
Madaxweynaha koonfur galbeed ayaa waxaa uu kulan la qaadan doonaa Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee ku sugan Xerada Bali-doogle, isagoo kala hadli doona howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ee deegaanada maamulkaas.
Dhawaan Madaxweynaha Koonfur galbeed waxaa uu sheegay in laga bilaabi doono Gobolka Shabeellaha Hoose howlgallo la isugu furayo wadooyinka degmooyinka Gobolkaas, oo mararka qaar ay weeraro ka geystaan Al-Shabaab.