Afhayeenka dowladda dhexe Col. Cyrus Oguna ayaa walaac ka muujiyay sare u kaca tirada dhallinyarada ee ka caga jiidaya codsashada fursadaha shaqo ee ay dowladdu soo bandhigto.
Waxaa uu xusay inay jiraan barnaamijyo awood siin ah oo ay dowladdu uga gol-leedahay in dhaqaale uu ka soo galo da’yarta balse aynan inta badan u soo bixin.
Oguna ayaa xilli uu ku sugnaa degmada Mogotio ee ismaamulka Baringo sheegay in maamulka Jubilee uu billaabay barnaamijyo ay ka mid yihiin Kazi Mtaani, Uwezo Fund, Kenya Youth Employment and Opportunities Project (KYEOP), Youth Enterprise Development Fund balse ilaa iyo hadda ay hooseyso tirada dhallinyarada ee muujiyay inay daneynayaan fursadahan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dhallinyarada laga doonayo inay shaqooyinkan codsadaan iyagoo adeegsanaya taleefoonada casriga ee ay haystaan halka ay wakhti ku lumin lahayeen khamaarka iyo baraha bulshada ee aan wax faa’iido dhaqaale ah u soo kordhin.
Afhayeenka dowladda dhexe Cyrus Oguna ayaa hoosta ka xarriiqay in guud ahaan wadanka laga hirgeliyay 212 xarumood oo dhallinyarada shaqo abuur loogu sameynaya.
Waxaa uu sheegay in dhallinyarada ay goobahan u adeegsan karaan inay codsadaan shaqooyinka online-ka ah oo ilaa iyo hadda ugu yaraan 1.2 milyan ay ku shaqeystaan.
Sidoo kale Oguna ayaa shaaciyay in qorshuhu uu yahay in sanadka 2030-ka tiradan la gaarsiiyo 15 milyan.