Mudavadi oo sameeyay ballanqaad ku aaddan tallaalka COVID19

0
335

Hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa ballanqaaday in haddii sanadka 2022-ka uu ku guulaysto xilka madaxtinimo ee Kenya uu xaqiijin doono in 100-ka cisho ee ugu horreeya qof kasta oo kenyaan ah laga tallaalo cudurka COVID19.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in maamulkiisa uu saddexda bilood ee ugu horreysa gudahood uu soo saari doono xeerar lagu xoojinaya daryeelka bulshada.
Mudavadi ayaa tilmaamay in xeerarkan ay noqon doonaan kuwo ku filan taageeridda iyo dardargelinta dib u soo kabashada dhaqaalaha wadanka.
Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dalka ayaa xusay inuu qorsheynayo in lacago uu siiyo ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah.
Waxaa uu ku celceliyay inuu xoogga saari doono kobcinta dhaqaalaha wadanka oo uu saameyn wayn ku yeeshay caabuqa corona.
Madaxa ANC ayaa ballanqaaday in lacagaha ay dowladdu siiso waayeellada iyo dadka dhibaatooyinka u nugul ee billaha ah la kordhin doono boqolkiiba 20.
Arrimahan ayaa qayb ka ah ballanqaadyada ay sameynayaan musharraxiinta madaxweynenimo si ay taageero uga helaan codbixiyeyaasha.