Shiinaha oo ku baaqay in loo gargaaro Afghanistan

0
333

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha Wang Yi ayaa bangiga adduunka iyo sanduuqa caalamiga ee lacagaha ee (IMF) u soo jeediyay inay dib u billaabaan dhaqaalihii ay siin jireen dowladda Afghanistan.
Waxaa uu mas’uulkan hoosta ka xarriiqay in tallaabadaasi ay kaalin wayn ka qaadan karto dib u dhiska dalkaasi.
Mr.Wang ayaa sheegay in Afghanistan ay u baahan tahay maalgelin horumarineed oo dhinacyo badan ah.
Ka dib markii bartamihii bishii siddeedaad ee sanadkan ay kooxda Taalibaan la wareegtay hoggaanka Afghanistan ayaa waxaa xannibaad la saaray ballaayiin doolar oo ah hantida bangiga dhexe ee dalkaasi.
Sidoo kale waxaa meesha ka baxay maalgelintii hay’adaha caalamiga in kastoo aan la jarin gargaarkii baniaadanimo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Afghanistan ay wajahayso dhaqaale xumo taasoo sababtay in shaqaalaha dowladda aan mushaar la siin halka qiimaha cunnooyinka ay kordheen.
Hay’adda lacagaha adduunka ee IMF ayaa Talaadadii sheegtay in dhaqaalaha dalkaasi uu sanadkan gudihiisa hoos u sii dhici karo boqolkiiba 30.