DHAGEYSO:Ma ogtahay in Xaaji Buullow uu cid kasta heshiis la ahaa?

0
590

Alle ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Mandera ee gobolka waqooyi bari lagu aasayaa duqii hore ee magaladaasi Maxamad Kaahiye Cismaan oo loo yaqaanay Xaaji Buullow oo saaka geeriyooday.
Waxaa aad loogu ammaanay kaalintii uu ka soo qaatay arrimaha nabadda iyo mideynta bulshada isagoo lagu tilmaamay shakhsi ay dadka u wada sinnaayeen.
Macallin Aadan Nuur oo ka mid ah ugaasyada ismaamulka Mandera oo in ka badan 50 sano ay is yaqaneen marxuumka ayaa faahfaahinaya taariikhdiisa iyo waxyaabaha lagu xusuusto.
Mowlid Maxamad Shuuriye ayuu khadka taleefoonka ugu warramay