Wiil lagu gubay Mandera oo geeriyooday

0
694

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa xaqiijisay inuu ugu dambeyn saaka geeriyooday wiil 14 sano jir ahaa oo ay dhawaan labo dhallinyaro ah ku gubeen ismaamulka Mandera.
DCI ayaa sheegtay in wiilka uu dhintay xilli isbitaalka wayn ee Mandera looga daweynayay dhaawacyo culus oo ka soo gaaray falka lagula kacay.
Sidoo kale waaxda oo tacsi u dirtay qoyska uu ka baxay ayaa raja wanaagsan ka muujisay in gacanta lagu soo dhigi doono labo eedeysanayaal oo dhacdadan lala xiriirinaya si qoyska ay caddaalad u helaan.
Wiilka ayaa ka mid ahaa ardayda dhigata fasalka toddobaad ee dugsiga hoose dhexe ee Kamoor oo ku yaalla Mandera.
Qoraalka waaxda dambi baarista ee wadanka ayaa muujinaya in tuhmanayaasha falkan gaystay lagu kala magacaabo Ibraahim Axmad iyo Yuusuf Axmad .
Warbaahinta dowladda ee KBC ayaa ku warramaysa in dhibanaha uu ahaa marqaatida kiis ku saabsan taleefoon la xaday oo uu wajahayay mid ka mid ah tuhmanayaasha.
In kastoo ay DCI sheegtay in wiilka ay walaalihii dab qabadsiiyeen waxaa dhanka kale soo baxaya warar sheegaya in dhibanaha iyo eedeysanayaasha aynan wada dhalan.