Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa lagu wadaa inuu maanta shir guddoomiyo kulan muhiim ah oo la xiriira dhaqangelinta nidaamka cusub ee tacliinta wadanka ee CBC.
Magoha ayaa hoggaaminaya koox matalaysa waaxyo kala duwan oo loo xilsaaray ka dhabeynta amar uu 20-kii bishan bixiyay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Amarkaasi ayaa ahaa in la dhiso ugu yaraan 10,000 oo fasallo cusub ah si loogu guulaysto in ardayda lagu billaabay manhajkan ay si habsami leh ugu gudbaan dugsiga sare.
Dowladda ayaa ku dadaalaysa sidii ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ay boqolkiiba boqol ugu biiri lahayeen dugsiyada sare.
Wasiir Magoha ayaa la filayaa inuu maanta faahfaahiyo geeddisocodka ku aaddan dhaqangelinta amarkii madaxweynaha.
Kulanka uu guddoomin doono wasiirka ayaa ka dhacaya dugsiga dowladda ee KSG waxaana ka qayb galaya agaasimayaasha waxbarashada ee ismaamullada iyo daneeyayaasha kale ee arrimaha tacliinta.
Dhanka kale wasaaradda maaliyadda ee dalka ayaa laga sugayaa in iyadoo kaashanaysa baarlamaanka ay dhisidda ugu yaraan 10,000 oo fasallo cusub ah u qoondeyso 8 bilyan oo shilin.
Tan iyo markii manhajka cusub ee CBC laga dhaqangeliyay gudaha dalka waxaa adeegsaday in ka badan 8.1 milyan oo arday ah.