Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa soo saaray digniin ah in isbeddelka ku yimaado cimillada uu saameyn wayn ku yeelan karo kobaca dhaqaale ee qaaradda Afrika.
Hoggaamiyaha Kenya ayaa xusay in wax soo saarka wadamada kala duwan ee Afrika uu hoos u dhici karo boqolkiiba 30 marka la gaaro sanadka 2050-ka , haddii aan caqabaddan sida ku habboon wax looga qaban.
Madaxweynaha waxaa uu sheegay in dhibaatadan ay horseedi karto saameyn dhanka arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha guud ahaan caalamka si gaar ahna Afrika.
Uhuru Kenyatta ayaa taageeray dadaal caalami ah oo lagu dardargelinayo soo bandhigidda barnaamijyo ay wadamada qaaradda kula qabsan karaan isbeddelka cimillada si loo xaddido culeysyada ka dhasho sidoo kalena loo xoojiyo u adkeysiga ka dhanka ah.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in dowladda Kenya ay sanadihii ugu dambeyay kordhisay miisaaniyadda loo qoondeeyo barnaamijyada la qabsashada isbeddelka cimillada.
Waxaa uu intaasi ku daray in cudurka COVID19 uu caqabad ku noqday dhaqaalihii loo qoondeyn jiray barnaamijyada ay cimilladu ka mid tahay.
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo ka digay in isbeddelka cimillada uu saameyn karo dhaqaalaha...