Wararka naga soo gaaraya dalka Suudaan ayaa sheegaya in xabsiga laga soo siidaayay ra’iisul wasaaraha wadankaasi Cabdalla Hamdok oo dhawaan ay milatarigu xireen.
Arrinkan ayaa shaaca looga qaaday bayaan ka soo baxay xafiiskiisa.
Tallaabada lagu soo siidaayay Hamdok iyo xaaskiisa ayaa timid ka dib cambaareyn caalami ah oo milatariga Suudaan uu la kulmay.
Ciidamada difaaca ee dalkaasi ayaa maalmo ka hor talada kala wareegay maamulkii rayidka ahaa taasoo si wayn ay shacabku uga falceliyeen iyagoo dibadbaxyo dhigay.
Siidaynta ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale ku soo beegantay ka dib markii dowladda Maraykanka iyo Midowga Yurub ay wacad ku mareen inay hakin doonaan gargaarka ay siiyaan Suudaan.