DHAGEYSO:Barasaabka Mandera oo ka tacsiyeeyay geerida Xaaji Buullow

0
399

Guddoomiyaha ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Rooba ayaa ka tacsiyeeyay geerida saaka ku timid Alle ha u naxariistee Maxamad Kaahiye Cismaan oo ku magacdheeraa Xaaji Buullow oo ku geeriyooday dowlad deegaankaasi.
Cali Rooba ayaa xaajiga ku tilmaamay waxgarad caan ahaa oo lagu yaqaanay arrimaha nabadda iyo mideynta bulshada.
Guddoomiyaha Mandera ayaa qoraalkiisa ku xusay in kaalintii marxuumka aynan cidna buuxin karin.
Waxaa uu sheegay inuu murugada la qaybsanaya qoyska ,ehelka , asxaabta iyo si guud shacabka ismaamulka Mandera oo uuna taageero la garab taagan yahay xilligan oo ay murugaysan yihiin.
Cali Rooba ayaa ugu dambeyn Alle uga baryay Xaaju Buullow inuu ku abaal mariyo jannatul firdowsa intii uu ka tagayna samir iyo iimaan siiyo.
Sidoo kale shaaqaalaha warbaahinta Star ayaa diraya tacsi tani la mid ah

Meydka Xaaji Buullow ayaa janaasada  lagu tukan doonaa masjidka wayn ee  Jaamaca ee Mandera salaadda duhur ka dib.