DHAGEYSO:Biyo la’aan saameysay magaalada Loitoktok ee Kajiado

0
502

Shacabka ku nool magaalada Loitoktok ee ismaamulka Kajiado ayaa lagu soo warramayaa inay biyo la’aan saameysay ka dib markii bixinta adeeggan muhiimka ah uu hakad galay.
Culeyska soo foodsaaray dadweynaha ayaa loo aaneeyay shaqo joojin ay sameyeen howlwadeenada waaxda biyaha ee ismaamulkaasi.
Shaqaalaha ayaa ka cabanaya in aan muddo hal sano ah wax mushaaraad ah la siin sidaas awgeedna aynan ku sii shaqeyn karin xaaladda ay wajahayaan.