Iyada oo muddo toddobaad ah ay ka harsan tahay gabagabeynta diiwaangelinta codbixiyayaal cusub ayaa waxay u badan tahay inuusan guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee IEBC u hirgeli doonin higsigiisa ahaa inuu diiwaangeliyo ugu yaraan 4.5 milyan oo codbixiyayaal cusub ah.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee dalka Mr. Wafula Chebukati ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ay diiwaangeliyeen codbixiyayaal hor leh oo gaaraya 800,462.
Xilli uu shalay warbaahinta kula hadlay magaala madaxda dalka ee Nairobi ayuu kenyaanka ka codsaday in muddada hartay ay ka faa’iidaystaan diiwaangelinta si ay uga qaybgalaan doorashada guud ee soo socoto.
Tirada shacabka ee ilaa iyo hadda isku diiwaangeliyay ka qayb qaadashada doorashada guud ee sanadka 2022-ka ayaa u dhiganta boqolkiiba 17.8 sida u sheegay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee dalka Mr. Wafula Chebukati.
Diiwaangelinta codbixiyayaasha oo soo billaabatay 4-tii bishan ayaa ku eg 2-da bisha 11-aad ee sanadkan.
Dowlad deegaanada dadka ugu tirada badan ay isku diiwaangeliyeen codeynta waxaa ka mid ah Nairobi 71,557 qof, Kisii 30,729, Nakuru 29,971, Kakamega 29,366, Bungoma 28,589, Kilifi waa 26,004, Kiambu 25,427, Meru 24,279, Kisumu 23,568, Turkana 23,418, Machakos 21,902, Narok 21,695, Migori 21,450, Uasin Gishu 20,803 iyo ismaamulka Nandi oo ah 20,152.
Ilaa hadda Ismaamullada Isiolo iyo Lamu ayaa diiwaangeliyay tirada ugu hooseysa, iyadoo ay kaarka codbixinta ee dowlad deegaannadan qaateen 3,085 iyo 3,400 qof.
Dhanka kale sida laga soo xigtay guddoomiyaha guddiga IEBC barnaamijkii dardargelinta ee loogu magacdaray ECVR ee la hakiyay, sida sharcigu dhigayo ayaa dib u bilaaban doona toddobaadkan si dhammaan muwaadiniinta xaqa u leh ee ku nool deegaanada hoose ay fursad u helaan inay is diiwaangeliyaan.