Guddoomiyaha ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka Anne Waiguru oo horay uga tirsanayd xisbiga Jubilee ayaa si rasmi ah ugu biirtay UDA.
Xisbigan ayaa lala xiriiriyaa madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Waiguru ayaa maanta Ruto kula kulantay hooygiisa rasmiga ee xaafadda Karen ee magaalada Nairobi.
Waxay sheegtay inay u wareegtay dhanka xisbiga UDA ka dib cadaadis kaga yimid taageerayaasheeda iyo sida uu u shaac baxay qorshaha dhaqaale ee William Ruto.
Qorshahan ayaa ku saleysan in kobcinta dhaqaalaha dalka meel hoose laga soo dhiso iyadoo la taageeraya danyarta iyo ganacsatada yaryar.
Qoraal ay Waiguru soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter-ka ayay ugu mahadcelisay 25 ka mid ah wakiillada deegaanada hoose ee Kirinyaga oo iyagana ku biiray UDA.
Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ayaa dhankiisa Waiguru iyo siyaasiyiinta kale uga mahadceliyay tallaabada ay qaadeen oo uu ku tilmaamay mid muujinaysa geesinimo.
Ruto ayaa xusay inuu rajeynayay in Waiguru ay qaado tallaabada ay maanta ka dhabeysay.
Ka dib markii maxkamadda sare ee bartamihii bishii Toddobaad ee sanadkan meesha ka saartay qorshi sharci beddelka ee BBI ayaa muuqatay calaamado muujinaya in ay barasaabka ismaamulka Kirinyaga ay ka tagi doonto xisbiga talada haya ee Jubilee.
Anne Waiguru ayaa horaan taageertay geddisocodkii la doonayay in wax looga beddelo xeerarka wadanka.
Waxaa la filayaa in guddoomiyaha dowlad deegaanka Kirinyaga inay markale xilka barasaabka ee ismaamulkaasi isu soo sharraxdo iyadoo adeegsaneyso tigidhka xisbiga UDA, halkaas oo ay u badantahay inay wajihi doonto wakiilka haweenka ee Kirinyaga Purity Ngirichi oo xulufo muhiim ah la ahayd madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.