Hay’adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FAO ayaa shaacisay inay dalka ka billaabi doonto barnaamij wacyigelin ah oo lagu fulinayo madal cusub oo dijitaal ah kaasoo ay beeralaydu u adeegsan doonaan dhinacyada wax soo saarka iyo adeegyada farsamaysan oo ay ku helayaan qarashaad la dhimay.
Barnaamijkan ayaa loo marayaa nidaamka iskudhafka ah ee ay dowladdu ku maareyso macluumaadka wax soo saarka dalka ee loo yaqaano KIAMIS si loo taageero beeralayda wadanka.
Wakiilka hay’adda FAO ee Kenya Ms. Carla Mucavi oo ka hadlaysay aqoon iswaydaarsi lagu qabtay magaalada Eldoret ee dowlad deegaanka Uasin Gishu ayaa sheegtay in hannaankan iyo bixinta adeegyada shacabka oo qaab dijitaal ah laga dhigo uu awood u siinayo beeralayda dalka la socoshada isbeddelka nidaamyada cunnada si loo xaqiijiyo badqabka dhanka cunnada iyo nafaqada.
Sida laga soo xigtay wakiilka hay’adda FAO ,waqooyiga gobolka Rift Valley ayaa wali ah goobaha diiradda la saarayo sidaas darteedna waxaa la aqoonsaday inuu tijaabo wanaagsan noqday barnaamijka KIAMIS.
Waxay xustay in FAO ay bixisay tababarro ku saabsan kobcinta awoodda iyo tiknolojiyadda lana siiyay saraakiil ka tirsan ururka cilmi baarista beeraha iyo xoolaha Kenya ee KALRO iyo xubno kale oo ka socda ismaamullada Uasin Gishu iyo Nyandarua.
Dowladda ayaa soo saartay barnaamij bulshada lagu kaabayo kaasoo loo yaqaano E-Voucher iyadoo loo marayo barnaamijka kale ee taxanaha qiimaynta qaran ee dalagyada wadanka ka soo baxa gaar ahaan galayda,bariiska ,baradhada iyo noocyo kale oo ay ka mid yihiin beeralayda qaxwada ee 12 dowlad deegaan ku nool.
Barnaamijkan ayaa beeralayda fursad u siinaya inay wax soo saarkooda ka helaan 60 boqolkiiba halka 40-ka kalena ay dowladda siinayso.
Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa barnaamijka E-Voucher laga diiwaangaliyay 6,653 oo ka mid ah beeralayda ismaamulka Uasin Gishu.
Barasaab ku xigeenka Uasin Gishu, Daniel Chemno ayaa sheegay in nidaamka KIAMIS uu dowladda ka caawin doono kala saaridda beeralayda dhabta ah iyo kuwa kale.
KIAMIS waxay iswaafajinaysaa aaladda diiwaangalinta beeralayda si ay awood ugu yeelato inay uruuriso xogta dalagyada,xoolaha nool, beeraha taasoo sahlaysa inay isticmaalaan dhammaan waaxyaha wax soo saarka ee Kenya.