Tirinta codadka ee doorashadii maanta ka dhacday deegannada hoose ee Puntland oo bilaabatay

0
500

Tirinta codadka doorashadii dowladaha hoose ee maanta ka dhacday Puntland ayaa ka bilaabatay qaar ka mid ah goobihii codadka laga dhiibtay.
Goor dhow ayaa lagu wadaa in goobaha harsan ee ka kala tirsan degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn iyagana laga bilaabo tirinta codadka.
Doorashooyinkaan maanta ka dhacay saddexdaas degmo ee Puntland ka tirsan ayaa ah doorashadii ugu horraysay ee qof iyo cod ah ee deegaanadaas ka dhacda tan iyo intii la aas aasay dowlad goboleedka Puntland.
Doorashadan goleyaasha deegaanka ayaana ah mid si weyn indhaha loogu hayo.