Sarkaalka milateriga hoggaamiye ee dalka Suudaan Jeneraal Cabdel Fataax Cabdelraaxmaan ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah.
Waxaa uu kala diray golihii sare ee kormeerayay geedisocodka xukunka loogu wareejinayo rayidka, iyo sidoo kale wasirrada.
Waxaa uu sheegay in heshiiskii 2019-kii ee dowladda ku meel gaarka ah oo leh awood dheelli tiran oo u dhexeysa hoggaanka rayidka iyo militariga uu isku beddelay halgan halis ku ah nabadda iyo amniga ee wadanka Suudaan.
Mr. Cabdel Fataax ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in xilka laga qaaday guddoomiyayaashii gobollada, isagoo sheegay in doorasho la qaban doono bisha Toddobaad ee sanadka 2023.
Tani ayaa kusoo aadeyso iyadoo xabsi guri la geliyay ra’iisul wasaaraha Suudaan Cabdalla Hamdok