Qof shacab oo ay da’diisu ahayd 19 sano ayaa lagu soo warramayaa in lagu toogtay gobolka Kashmiir ee dalka India.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in qofkan uu dhintay ka dib iskudhacyo dhex maray ciidamada ammaanka iyo fallaago.
Dilkan ayaa noqonaya midkii 12-aad ee qof rayid ah loo gaystay bishan gudaheeda.
Magaca qofka la toogtay ayaa lagu sheegay Shahid Axmad Rather wuxuuna ka mid ahaa ardayda dhigata machadyada dalkaasi.