DHAGEYSO:Ruto oo rajo wanaagsan ka muujiyay inuu sanadka 2022-ka ku guulaysanaya madaxtinimada

0
489

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo ku sugnaa deegaanka Kiambaa ee ismaamulka Kiambu gobolka bartamaha dalka ayaa shacabka ugu baaqay inay taageeraan siyaasad ku dhisan danaha dadweynaha.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in labo xilli oo hore ay qorsheeyeen kuna guulaysteen hoggaanka dalka .
Ruto ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in sanadka soo socdo uu xisbiga UDA ku guulaysan doono hoggaanka ugu sarreeya ee dalka.
Waxaa uu dhanka kale dhaliil u jeediyay madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo uu sheegay in tan iyo markii ay heshiiyeen isaga iyo madaxweynaha inuu hakad ku yimid fulinta qorshayaashii horumarineed ee dowladda dhexe.