Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay dagaalka Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud bartamaha Soomaaliya, halkaasoo ay maalinkii labaad ku dagaalamayaan Ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug oo dhinac ah iyo Ciidanka Ahlusunna.
Dagaalka oo Maanta markale ka dhacay Guriceel ayaa waxaa ku dhintay sida ay wararku sheegayaan Saraakiil iyo askar ka kala tirsan labada dbinac, waxaan dadka ku dhintay kamid ah Taliyihii Ciidanka Nabadsugida Garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaafiic ay ku dhacday Isbitaalka Istarliin ee degmadda Guriceel, isla markaana taasi sababtay in Shaqaalaha Isbitaalka ay naftooda kala baxsadaan.
Isbitaalka Istarliin ayaa ku yaala Wadada isku xirta dugsiga Al Ma’muun iyo Jaamacadda ee dhanka Waqooyi bari ee degmadda Guriceel.
Dhinacyada ku dagaalamay Guriceel ayaay wararku sheegayaan inay heleen Gurmadyo kala duwan waxaana taaso sii adkaysay xaaladda magaalada ka taagan.
Dhanka kale Maamulkii Degmada Guriceel ayaa oo warbaahinta dowlada Soomaaliya la hadlay ayaa sheegay inay gabi ahaanba magaalada gacanta ku hayaan sidoo kalen ay wadaan howlgalo deg deg ah oo amaanka magaaladaas lagu sugayo.
Shacabka ku nool magaalada Guriceel ayay dhanka kale ugu baaqeen inaysan guryahooda ka soo bixin inta howlgaladu ka socdaan magaaladaasi.