Dib u eegis lagu sameeyay xeerarka COVID19 ee goobaha cibaadada

0
537

Gole-diimeedka isku dhafka ah ee dalka ayaa isbeddello ku sameeyay tallaabooyinka lagu xakameynaya faafidda caabuqa corona ee goobaha cibaadada.
Go’aankan ayaa yimid ka dib markii 20-kii bishan uu madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta meesha ka saaray bandowgii xilliga habeenkii dalka ka jiray tan iyo bisii saddexaad ee sanadkii hore.
Waxaa horay la oggolaa in goobaha cibaadada ay ku tukadaan saddex meelood hal meel ee dadka hasa ahaate tiradaasi ayaa hadda laga dhigay saddex meelood labo meel.
Guddoomiyaha golahan Anthony Muheria ayaa laga soo xigtay in tirada la kordhiyay ay ka dhigan tahay in labada qof ee isugu dhow ay isku jirsadaan 0.6 mitir.
Muheria ayaa xusay inay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah cudurka COVID19 in kastoo labadii toddobaad ee ugu dambeeyay xaaladaha la xiriira ay hoos u dhaceen wax ka yar boqolkiiba 5.
Sidoo kale dadka cibaadaysanaya ayaa laga doonaya inay sitaan afxirka oo ay adeegsadaan gacmo nadiifiyaha ka hor inta aysan goobaha gelin iyo ka dib labaduba.
Waxaa sidoo kale la eegayaa heerkulka jirka dadka gelaya masaajidda iyo kaniisadaha.
Gole diimeedka isku dhafka ah ayaa dhanka kale xusay in munaasabadaha aaska ay ka qayb geli karaan keliya 300 oo qof halka tirada la oggol yahay ee aroosyada ay tahay 150.

Sidoo kale shacabka ayaa lagu boorriyay inay u dhaga nugladaan baaqii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ee ahaa in aan la fududeysan halista cudurka COVID19.