Codbixiyayaasha wadanka Uzbekistan ayaa maanta ka qayb qaadanaya doorasho ay ku soo xulanayaan madaxweyne cusub.
Wararka ayaa intaa ku daraya inuusan jirin musharrax mucaarad oo awood leh oo la tartamaya hoggaamiyaha hadda talada haya ee dalkaasi Shavkat Mirziyoyev sidaas awgeedna ay u badan tahay inuu mar kale guulaysto.
Waxaa madaxweyne Mirziyoyev oo talada Uzbekistan qabtay sanadkii 2016-kii la tartamaya afar musharrax oo daacad u ah maamulkiisa.
Codeynta ayaa billaabatay 8-dii subaxnimo ee saacadda wadanka Uzbekistan oo ay ku nool yihiin 34 milyan oo qof.
Dadweynaha ayaa codkooda dhiiban doono ilaa 8-da fiidnimo.