Nin qof kale u dilay 400 oo deyn ah oo lagu xiray Bomet

0
363

Ciidamada booliska ee ismaamulka Bomet ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo Evans Mutai oo loo haysto inuu xalay tooriyeeyay dariskiisa.
Ninkan oo dukaanle ah ayaa ka takhalusay Festus Keter oo 35 sano jir ahaa ka dib markii uunan siin deyn dhan 400 oo shlin.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Evans uu dhanka xawadka mindi kaga dhuftay Keter ka dibna sii watay howlihiisa ganacsi .
Dhacdadan ayaa isla markiiba lagu wargeliyay ciidamada ka howlgalo saldhigga booliska ee degmada Chesoen ee ismaamulka Bomet iyagoo soo xiray eedeysanaha.
Waxaa hadda socdo baaritaano hor dhac ah oo ku saabsan dilka la soo tabiyay iyadoo mindidii loo adeegsaday falkaasi meel la dhigay si ay caddeyn u noqoto.
Berri ayaa la filayaa in maxkamadda la soo taago eedeysane Evans Mutai si dacwad loogu soo oogo halka meydka Keter la dhigay goobta meydadka ee isbitaalka Longisa .