Golaha hay’adaha aan dowliga ahayn oo ku baaqay olole siyaasadeed oo nabad ah

0
356

Golaha ay ku mideysan yihiin hay’adaha aan dowliga ahayn ee loo yaqaano NGOs ayaa ku boorriyay hoggaamiyeyaasha siyaasadeed inay hormuud ka noqdaan u doodidda nabadda, gaar ahaan xilliga doorashooyinka.
Guddoomiyaha golahan Stephen Cheboi oo baaqaan soo saaray ayaa xusay ahmiyadda nabad ku wada noolaanshaha ay bulshada u leedahay xasilloonida dalka.
Iyadoo 10 bilood ka yar ay inaga xigta doorashada guud ee sanadka dambe ayaa waxaa sii xoogeystay dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee dalka ka wadaan musharraxiinta u hanqal taagaya jagooyinka kala duwan ee loo tartamo.
Waxaa dhanka kale laga digaya suurtagalnimada ah inay rabshado dhacaan haddii aysan siyaasiyiinta xakameyn hab dhaqanadooda.
Mr. Cheboi ayaa dhanka kale ugu baaqay kenyaanka aan isku diiwaangelin codbixinta inay ka faa’iideystaan dardargelinta qaadashada kaarka codeynta ee uu dalka ka wado guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee IEBC.
Waxaa uu intaa ku daray in is diiwaangelintu ay cod bixiyeyaasha ay fursad u siin doonto inay soo bandhigaan xuquuqdooda dimuqraadiga ah ee doorashooyinka soo socda.