Wararka ayaa sheegaya inay saaka degan tahay xaaladda degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud bartamaha dalka Soomaaliya, halkaasoo shalay ilaa xalay muddo 12 saacadood ka badan ay ku dagaalmayeen Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Ciidanka Ahlusunna.
Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa la soo sheegayaa inay ku dhinteen saraakiil katirsan Ciidanka dowladda iyo kuwa Ahlusunna, warbaahinta gudaha ayaana sheegaysa in ilaa 20 askari ay dagaalkii shalay ku dhinteen.
Wararka saaka la helayo degmada Guriceel ayaa waxay sheegayaan in dhinacyada dagaalamay ay weli isku hor-fadhiyaan degmada, isla markaana ay kala joogaan Waqooyiga iyo Koonfurta Magaalada Guriceel.
Dadka yar ee ku haray Guriceel ayaa sheegay in mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah, sidoo kalena laga cabsi qabo in dhinacyadu ay markale dagaalaamaan maadaama aysan jrin cid ku kala dhex jirto.