Sarkaal boolis oo dilay gabadh saaxiibtiisa ah, kaddibna uu bam-gacmeed isku qarxiyay

0
518

Sarkaal boolis ah oo ka howl galayay saldhigga booliska ee magaalada Masalani ee ismaamulka Garissa ayaa toorey ku dilay saaxiibtiisa kaddibna iska takhalusay.
Sida uu sheegay qof goobjooge ahaa, sarkaalka iyo gabadha saxiibtiis ayaa aad u murmay ka hor inta uusan toorey ku mudin.
Markuu uu garwaaqsaday falka uu sameeyay, ayuu ka dib is dilay, isagoo isku qarxiyay bam gacmeed.
Taliyaha Booliska deegaanka Ijara ee ismaamulka Garissa William Oyugi ayaa xusay in sarkaalka booliska uu naftiisa gooyay ka dib markii uu ogaaday in gabadha uu tooreyda ku muday ay dhimatay maadama ay dhiig baxday dhaawici soo gaaray awgii.
Mr. Oyugi ayaa sheegay in sarkaalka korkiisa oo dhan uu gubtay, ka dib markii uu is qarxiyay.
Waxaa uu intaa ku daray in sarkaalka booliska uu xiriir aan wanagsaneen kala dhaxeeyay saxiibtiisa islamarkaana iyada ay la carartay canugii ay dhaleen kuna eedeyneysa sarakaalka booliska ah inuu khiyaanayo.
Meydka ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee magaalada Mwingi ee dowlad deegaanka Kitui , iyada oo la sugayo baaritaan in lagu sameeyo si loo ogaado sababta dhimashada.