Naafada oo loogu baaqay in qaataan kaarka codeynta

0
481

Dadka qaba baahiyaha gaarka ah ayaa loogu baaqay inay qaataan kaarka codeynta, si ay ugu suurtogasho inay adeegsadaan xaqa dastuuriga ah ay u leeyihiin inay codeeyaan doorashooyinka guud ee sanadka dambe ee 2022-ka.
Sarkaalka diiwaangelinta ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka IEBC ee deegaanka Mvita ee ismaamulka Mombasa Naciima Karisa ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in dadka naafada ah ay ka qayb qaataan geeddisocodka doorashada haddii la doonayo in codkooda la maqlo.
Waxaa ay xustay in dad badan oo codsaday kaararka aqoonsiga qaranka ee ID aysan wali kaararkooda ka qaadan xarumihii ay iska diiwaangeliyeen.
Dhanka kale ,isuduwaha ururka naafada ee xisbiga ODM Ramla Saciid, ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay in turjumaan la’aan ay ka jirto xarumaha diiwaangelinta ee kaarka codbixinta, taas oo adhibaato ku ahayd dadka qaba dhibaatooyinka maqalka.