Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa u sheegay dhallinyarada ku nool degmada Bumala ee ismaamulka Busia ee galbeedka dalka, inay ka fogaadaan siyaasadda kala qaybsanaanta keeneysa sidoo kalena qabyaaladda ku salaysan.
Dr. Ruto ayaa ka dhawaajiyay inuu diiradda saari doono wax u qabashada dadka dan yarta ah.