Saddex wasiir oo ka tirsan golaha xukuumadda ee madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa si cad u muujiyay inay taageersan yihiin hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga, doorashada guud ee sanadka dambe ee 2022-ka.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’i, dhiggiisa caafimaadka Mutahi Kagwe iyo gaashandhigga Eugene Wamalwa ayaa waxay xuseen in ra’iisul wasaarihii hore ee dalka uu yahay kan kaliya ee muujiyay kartida iyo rabitaanka ah in la sii wado lana dhameystiro mashaariicda horumarineed ee uu bilaabay madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Waxaa ay ku ammaaneen madaxa xisbiga ODM Raila Odinga inuu ogolaaday in dhinac uu iska dhigo khilaafaadkii siyaasadeed ee kala dhexeeyay madaxweynaha ka dib doorashooyinkii lagu murmay ee sanadkii 2017-kii, isago u daneeyay danta shacabka.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Fred Matiang’i ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo hoggaamiyeyaasha inay qaataan daacadnimada iyo in dalka loo turo.
Wasiirka caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe ayaa dhankiisa xusay in midnimada madaxweynaha iyo hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ay muujisay in Kenya ay gaari karto horumar waaro haddii la joogteeyo mideynta qaranka.
Dhiggiisa wasaaradda difaaca Eugene Wamalwa ayaa tilmaamay in inta badan golaha wasiirrada ay ka dambeeyeen is gacan qaadkii u dhexeeyay Uhuru iyo Raila kaas oo tan iyo markaas u gogol xaaray in waddanku xoogga saaro horumarka.
Dhankan kale ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ayaa wacad ku maray inuu mideyn doono guud ahaan dalka, uuna hubin doono in cid walba la tixgeliyo iyada oo aan loo eegin jinsiyadda.