Ku simaha barasaabka ismaamulka Nairobi Ann Kananu ayaa hadda si rasmi loogu dhaarin karaa guddoomiyaha caasimadda dalka.
Guddoomiyaha hore ee dowlad deegaanka Nairobi Mike Sonko ayaa lumiyay codsi uu ku doonayay inuu ka hor istaago in xilka barasaabka magaala madaxda dalka loo dhaariyo Ann Kananu.
Tani ayaa ka dambeysay ka dib markii guddoomiyihii hore ee Nairobi Mike Sonko uu dalbaday in la joojiyo dhaarinta Ann Kananu maadaama uu sheegay in xafiiska si sharci darro ah looga saaray.
Maxkamadda racfaanka ayaa xukuntay in Sonko uu xafiiska ka maqnaa in ka badan 10 bilood uusan hadda ahayn guddoomiyaha Nairobi.
Sidaa darteed, waxay tani dhabaha u xaaraysaa ku simaha guddoomiyaha Nairobi Anne Kananu in si rasmi ah loogu dhaariyo barasaabka caasimadda.
Si kastaba ha ahaate, haddii la go’aamiyo in xuquuqdiisa siyaasadeed lagu xadgudbay Sonko, markaa magdhow ayaa la siin doonaa.
Home Wararka Kenya Maxkamadda racfaanka oo go’aamisay in Ann Kananu loo dhaariyo xilka guddoomiyaha Nairobi