Saddex sarkaal oo booliis ah ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay gacan ka gaysteen baxsashada gacan ku dhiigle qirtay dilka in ka badan 10 carruur ah Masten Wanjala.
Philip Mbithi, Kamakia Mutuma iyo Precious Mwende ayaa waxay iska fogeeyeen inay gacan gaysteen baxsashada Masten Wanjala .
Saraakiisha ayaa lagu siidaayay dammaanad lacageed oo dhan 150,000 oo shillin.
Saddexda sarkaal ayaa lagu eedeeyay inay dayaceen waajibaadkooda rasmiga ah islamarkaana ay gacan ka geysteen baxsad maxbuus ahaa, kaas oo maalmo ka dib shacab careysan ku dileen ismaamulka Bungoma ee galbeedka dalka.
Kiiskan ayaa markale lasoo hadal qaadi doona 4-ta bisha 11-aad ee sanadkan.
Home Wararka Kenya Saraakiil la xiriiriyay baxsashada nin carruur laayay oo dammaanad lagu siidaayay