Dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Galmudug iyo Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca ayaa goor dhow ka qarxay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno.
Dagaalka ayaa xooggiisa haatan ka socda dhinaca waqooyi ee Guriceel, waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan oo la maqlayo dhawaaqa rasaasta dhaceysa iyo qoryaha laga rido hubka cul-culus.
Dagaalkaan ayaa ka dambeeyay, ka dib markii xalay Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ay gudaha u galeen qayb kamid ah Magaalada Guriceel oo ay ku sugnaayeen Ciidanka Ahlu-sunna Waljamaaca, iyagoona la sheegay inay isaga baxeen Saldhigga Magaalada.
Guddoomiyaha Guriceel, Anas Cabdi Macalim oo la hadlay warbaahinta ku hadasha Afka dowladda ayaa u sheegay in Ciidanka oo ay la socdaan Maamulkii Magaalada inay la wareegeen inta badan gacan ku heynta Magaaladaas.
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan saaka qarxay, waxaana Magaalada isaga barakacay inta badan dadkii deegaanka ee halkaas kunool, kuwaasi oo aaday degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, si ay uga fogaan waxyeelada dagaalkaas.