Madaxweynaha dalka oo loo qabtay 14 cisho si uu u soo magacaabo 6 garsoorayaal ah

0
2012

Maxkamadda sare ee dalka ayaa madaxweyne Uhuru Kenyatta u qabatay muddo labo toddobaad ah oo uu ku soo magacaabayo 6 garsoorayaal oo uu horay magacyadoodu dhinac iskaga dhigay.
Liis ka koobanaa 41 oo mid ka mid ah uu geeriyooday ayuu madaxweynaha wadanka bishii lixaad ka soo xushay 34 .
Lixda uunan magacaabin ayuu u cuskaday inay wajahayaan eedeymo dhanka habdhaqanka ah.
Xaakinnadan ayaa kala ah Aggrey Muchelule, George Odunga, Weldon Korir iyo Joel Ngugi oo lagu waday inay ka howlgalaan maxkamadda racfaanka.
Garsoorayaasha kala ah William Musyoka, James Wakiaga iyo George Dulu ayaa soo saaray amarka ka dhanka ah madaxweynaha.
Waxay sheegeen in haddii hoggaamiyaha dalka uunan fursaddan ka faa’iidaysan marka ay dhamaado muddada loo qabtay ka dib , xakiinnada loo aqoonsan doono kuwo magacaaban oo ka shaqeyn karo maxkamadda.