In ka badan 6 ka mid ah ciidamada ammaanka ee Pakistan oo qarax lagu dilay

0
405

Ugu yaraan 6 ka mid ah ciidamada ammaanka ee dalka Pakistan ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay saddex weerar oo kala duwan.
Falalkan labo ka mid ah waxaa lagu qaaday saldhigyo ciidan waxaana laga soo tabiyay galbeedka wadankaasi sida ay militarigu sheegeen.
Xalay ayay ahayd markii ugu yaraan afar askari lagu dilay weerar ka dhacay degmada Bajaur oo ku taalla waqooyiga galbeed ee Pakistan.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarrada.