Wasarada Haweenka maamul Goboledka Soomaaliyeed ee Gamudug ayaa Maanta waxay magaalada Dhuusmareeb ee caasimada maamulkaas ku soo gaban gabeysay Aqoon kororsigaan ku sabsanaa doorka odayasha dhaqanku kaqadan karan xaqiijinta qoondada Haweenka ee 30% ah.
Tababarkaan oo wajigiii koobaad ahaa ayaa la isku waydaarsaday fikrado kala duwan oo ku saabsan habka ugu haboon ee lagu heli karo in dumarka qoondada loo qorsheeyay ku yeeshaan goleyaasha siyaasadeed ee dalka gaar ahaan xildhibaanada golaha shacabka oo la qorshaynayo inay dhawaan doorashadoodu dhaco.
Madax ka tirsan maamulka Galmudug qaybaha kala ee bulshada deegaanka iyo qaar ka mid ah odayaasha saxiixayaasha ah ayaa sheegay inay muhiim tahay in dumarka qoondadooda la xaqiijiyo.
Wasriika haweenka maamulka galmudug Ubax Xuseen Dhiblaawe oo ugu danbayntii madasha ka hadashay ayaa bulshadii ka qayb gashay tababarkaan kula dardaarantay inay doorkooda ka qaataan xaqiijinta qoondada dumarka ee 30 boqolkiiba waxayna sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamtay boqolaalka qaoysaska ah eek a barakacay magaalada Guriceel ee gobolka Galgduud halkaasoo dhibaatada ugu badan ay haweenka iyo dhalaanku wajahayaan.