Dowladda dhexe ayaa aasaastay shirkad lagu wado in sanadka soo socdo ay billowdo soo saaridda dawooyinka tallaalka ee cudurrada kala duwan.
Waxaa shirkaddan laga hirgelinayaa xaafadda Embakasi ee magaalada Nairobi.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in shirkaddan loogu magacdaray Kenya Biovax Limited.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in cudurka COVID19 uu bannaanka keenay gaabadka dhanka xarumo lagu sameeyo dawooyinka gudaha dalka iyo si guud qaaradda Afrika.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa laga soo xigtay in marka laga soo tago in shirkaddan ay kaalin wayn ka qaadan doonto la tacaalidda caabuqa corona in sidoo kale lagu sameyn doono dawooyinka cudurka dabeysha.