Kulamo ka socda madaxtooyada Soomaaliya

0
433

Sida ay wararku sheegayaan Waxaa Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo labad Masuul rr uu ra’isulwasaaruhu u kala magacaabay hay’ada NISA iyo wasaarada amniga.
Kulanka oo uu garwadeen ka yahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ah markii ugu horreeysay oo ay isa soo hor-fariistaan madaxweynaha iyo labadaan masuul oo xilalka Ra’isulwasaaruhu u magacaabay khilaafku ka dhashay kuwasoo kale Bashiir Goobe iyo xildhibaan C/laahi Axmed Nuur waxayna wararku sheegayaan in kulankan diirada lagu saaray dhamaynta muranka arintaan ka taagan.
Wararka hordhaca ah ee warbaahintu heshay ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu aqbalay Magacaabistii Ra’iisul Wasaare Rooble ee Wasiirka Amniga, balse uu ku adkeystay in Agaasimaha KMG ee NISA uu isagu Magacaabo.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo wada dadaaladii ugu dambeeyay ee xalka gaarista Madaxda Sare ee dowladda ayaa waqti gelinaya sidii loo dhameyn lahaa kala aragti duwanaanta hogaanka sare ee wadanka.
Caawa ayaa waxaa lagu wadaa inay yeeshaan kulan fool ka fool ah Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble si meesha looga saaro khilaafkooda saameeyay hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya gaar ahaan la aaminsan yahay inuu dib u sii dhigayo arimaha doorashooyinka wadanka.