Dhaqaatiir u dhashay dalka Sudan kuna taqasusay qaliinada isku furanka haweenka ayaa waxay Soomaaliya ku tageen safar samefal ah.
Saraakiisha ugu saraysa wasaarada caafimaadka Soomaaliya ayaa dhaqaatiirtaan ku soo dhaweeyay garoonka adan cade ee magaalada Muqdisho ayagoo ka wada hadlay qaabka ugu haboon ee Soomaaliya looga fulinayo qaliinkaan dumarka uu isku furanku dhibaatada ku haye ee aan had aka hor daaweynta helin.
Wasiirka wasaarada caafimaadka iyo daryeelka bulshada dowlada Soomaaliya marwo Fowzia Abiikar Nuur ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in la helo xal waara oo looga hortagayo isku furan oo dhibaato weyn ku haya qaar badan oo ka mid ah haweenka Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku nool waxaana mashruucaan ka faa’iidaysanaya ilaa 200 boqol oo haween ah.
Agaasimaha hay’ada Pack ee Soomaaliya oo mashruucaan garwadeen ka ah C/laahi Yuusuf Maxamed ayaa sharaxaad ka bixinaya tirade bukaanada ah eek a faa’idaysanaya ololahaan qaliinka isku furanka oo kii sagaalaad ah ee Soomaaliya ay ka fulinayaan.
Ugu danbayntii dr Ubax Faarax Axmed Agaasimaha waaxda arimaha qoyska ee wasaarada caafimaadka Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay inay ka wasaarad ahaan ka go’antahay inay xal waara u helaan xanuunkaan sidoo kalena ay dadaalo badan wadaan.