Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo kulan yeeshay

0
421

Wararka ayaa sheegaya in xalay xilli dambe Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ay kulan gaar ah ku yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble oo khilaaf uu ka dhex jiray.
Kulankaa ayaa sida la sheegay waxaa ka soo Shaqeeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (lafatagareen) waana kulankii ugu horreeysay ay yeesheen labada mas’uul kadib wada-hadalladii fashilmay ee horay u dhexmaray.
Wararka laga helayo kulankii xalay ayaa sheegaya inuu ahaa mid hordhac ah oo sallaan iyo sheekeysi ay wada qaateen labada mas’uul ee dalka Soomaaliya ugu sareeya, iyada lagu balamay in Caawa kulan kale la isugu yimaado, si loo dhammeystiro waxyaabaha haray ee labada dhinac u dhaxeeyay.
Wararka ayaa intaasi ku darayaan in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble kulankooda ku muujiyeen tanaasul kana muuqatay is faham iyo isu soo dhowaansho, ayna rajo ka qabaan in Caawa inta dhiman is afgarad buuxa laga gaaro.
Kulanka ay yeelanayaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaay uga wada ha
dli doonaan xal ka gaarista waxyaabihii sababay khilaafkooda, sida hoggaanka Hay’adda NISA iyo xilka Wasiirka Amniga.
Horay waxaa fashil ku dhamaaday wada-hadallo la doonayay in lagu dhex-dhexaadiyo Farmaajo iyo Rooble, kaas oo uu horboodayay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, waxaana raja badan laga aabaa in xal laga gaaro khilaafka Madaxda Sare ee dowladda kadib cadaadis uga yimid Beesha Caalamka.