Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa wacad ku maray inuu xaqiijin doono dhammaystirka 4-ta Ajanda waa weyn ee Madaxweyne Uhuru Kenyatta isagoo adeegsanaya qaabka lagu kobcinayo dhaqaalaha dadka danyarta ah.
Isagoo maanta ka hadlayay xafladdii 58 -aad ee Maalinta Halyeeyada oo lagu qabtay ismaamulka Kirinyaga, ayuu madaxweyne ku -xigeenku ballan qaaday inuu si wadajir ah ula shaqeyn doona kuwa xilka kula tartamaya si loo hubiyo in dhaxalkii Uhuru ee 9 -kii sano ee la soo dhaafay la fuliyay.
Wuxuu uga mahadceliyay madaxweynaha sida joogtada ah ee ay uga go’an tahay horumarinta dalka, isaga oo ugu magac daray “hoggaamiye isbedel leh”.