Ciidamada waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa gacanta ku dhigay 6 eedeysanayaal oo loo haysto inay xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee magaalada Nairobi ku soo saarayeen dokumeentiyo faalis ah.
Dadkan ayaa la qabtay ka dib howlgal laga fuliyay waddada 3rd Street gaar ahaan qaybta 1st Avenue.
Dokumeentiyada been abuurka ah ee ay ku howlanayeen waxaa ka mid ah aqoonsiga qaran , warqadaha diiwaangelinta qaxootiga, kuwa waxbarashada iyo kuwo kale.
DCI ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in howlgalka la sameeyay ka dib warbixin lagu soo gudbiyay qaabka loo yaqaano FichuakwaDCI oo ay dadweynaha iyagoo aan la aqoonsan waaxdu kula wadagaan falal dambiyeedyada.
Saraakiisha ayaa hoosta ka xarriiqay inay heleen warqado la diyaariyay iyo kombiyuutarro howshan loo adeegsanayay.
Baaritaanada waxaa sidoo kale lagu ogaaday in eedeysanayaasha ay ku lug leeyihiin socdaalka soo galootiga ay sida sharci darrada ah ugu soo galaan Kenya.
Tuhmanayaasha ayaa hadda su’aalo lagu weydiinayaa xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista ka hor inta aan berri maxkamadda la soo taagin.
DCI ayaa dhanka kale kenyaanka uga digtay ku lug lahaanshaha falalka lagu sameeyo sidoo kalena lagu daabaco dokumeentiyada faaliska ah.