Waxaa maanta abaal marin sharafeed la guddoonsiiyay 220 qof oo isugu jiro rag iyo haween kuwaasoo lagu tilmaamay halyeeyada wadanka.
Shakhsiyaadkan ayaa lagu amaanay kaalinta ay ka qaateen qaybaha kala duwan ee horumarka dalka.
Dabaal degga maalinta qaran ee halyeeyada dalka oo ah midkii 58-aad ayaa maanta lagu qabtay fagaaraha Wang’uru ee degmada Mwea ee ismaamulka Kirinyaga gobolka bartamaha dalka.
Maalinta qaran ee halyeeyada ayaa wadanka laga xusaa 20-ka bisha Tobnaad oo maanta ku beegan.