Raila Odinga “Mwai Kibaki waa in loo aqoonsado halyay qaran”

0
342

Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga oo maanta khudbad ka jeediyay maalinka qaran ee halyeeyada ayaa xusay in dabaaldegga maalinkan uu fursad lagu xasuusto siinaya meesha laga yimid iyo halka loo socdo.
Waxaa uu sheegay in maanta loo dabbaa deggaya dhammaan geesiyaashii ka qayb qaatay wanaajinta dalka.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa carrabka ku dhuftay in madaxweynihii hore ee wadanka Mwai Kibaki loo aqoonsado halyay qaran.
Raila ayaa sheegay in qomiyadaha Kikuyu-da iyo Luo’s aysan ahayn cadow, isagoo xusay inuu yahay saxiibka gobolka bartamaha dalka.
Dhanka kale barasaabka ismaamulka Kirinyaga oo xuska maalinka halyeeyada uu maamulkeeda sanadkan marti geliyay ayaa sheegtay in dowladdeyda ay beeraleyda dowlad deegaankaasi ka taageertay wax soo saarka iyada oo loo marayo wasaaradda beeraha ee ismaamulkaas.
Waxaa ay sidoo kale sheegtay inay wax ka qabteen kaabayaal ballaaran gaar ahaan dib u habaynta bixinta adeegga ee xarumaha caafimaadka.
Mrs. Waiguru ayaa dhanka kale madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta kusoo dhaweysay ismaamulka Kirinyaga, iyadoo a xustay inay qaddarineyso hoggaankiisa islamarkaana u xaqiijineyso taageerada aan xadidneyn uu maalmulkeyda siinayo dowladda dhexe.
Dabaaldegga qaran ee Mashujaa Day waxaa sanad kasta la qabtaa 20-ka bisha Tobnaad oo maanta ku beegan.
Mashujaa waa erey luuqadda sawaaxiliga ah oo loola jeedo geesiyaal ama halyeeyo.
Waxaa xuskan loogu talagalay in la maamuuso nolosha geesiyaashii u soo halgamay madax bannaanida Kenya ee 1963-tii.
Xuskan waxaa horay loo yaqaanay Kenyatta Day, oo loogu magacdaray madaxweynihii koowaad ee dalka Mzee Jomo Kenyatta.
Dabaaldegga maanta ee Mashujaa Day waa kii 10-aad ee lagu qabto meel ka baxsan caasimadda dalka ee Nairobi.