Shaqaalaha soo galootiga ee Kashmiir oo qaxaya

0
554

Waxay cabsi soo foodsaartay oo billaabay inay guriyahooda ka qaxaan howlwadeenada soo galootiga ah ee gobolka Kashmiir.
Tani ayaa timid ka dib markii labo cisho gudahood la dilay afar ka mid ah dadkan.
Wararka ayaa intaa ku daraya in fallaago ka soo horjeedda dowladda India ee gobolkaasi maamusho ay ku hanjabeen inay gaysanayaan weerarro dheeraad ah.
Kumanaan qof ayaa la soo warinayaa inay gobolkaasi ka barakaceen.