Baarlamaanka Lebanon oo u codeeyay in bisha saddexaad ay doorasho dhacdo

0
512

Xildhibaanada baarlamaanka dalka Lebanon ayaa maanta u codeeyay mooshin ah in wadankaasi ay doorasho baarlamaani ah ka dhacdo 27-ka bisha saddexaad ee sanadka danbe.
Tani ayaa xukuumadda ra’iisul wasaare Najib Mikati siinaysa bilooyin kooban oo ay ku dadaali karto inay hanato qorshaha dib u soo noleynta dhaqaalaha ee hay’adda lacagta adduunka ee IMF.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dhaqaalaha dalka Lebanon uu hoos u sii dhacaya.