Milatariga Myanmar oo xayiray isticmaalka baraha bulshada

0
578
People give a three-finger salute after calls for protest went out on social media in Yangon on February 3, 2021, as Myanmar's ousted leader Aung San Suu Kyi was formally charged on Wednesday two days after she was detained in a military coup. (Photo by STR / AFP)

Milatarigii afgambiyay dowladdii rayidka ee M yanmar’s ayaa maanta xayiray aalada Facebook-ga iyo barnaamijyada kale ee baraha bulshada oo isgaarsiin muhiim ah u aheyd shacabka dalkaasi si loo xakameeyo mucaaradka kadib markii la xiray hoggaamiyihii la soo soortay ee wadankaasi.
Aaladan oo ay adegsadaan ku dhowaad nus ka mid ah 53 milyan-ka qof ee ku nool Myanmar’s ayaa u muuqataa goob muhiim u ah dadka ka soo hor jeeda inqilaabka milatari ee dalkaasi.
Sababaha loo xaryiray aaladaas iyo barnaamijyada kale ee baraha bulshada ayaa ah in halkaas la soo galiyo muuqaalo iyo sawiro muujinaayo sida shacabka ay uga soo horjedaan inqilaabka milatari.
Wasiirka is gaarsiinta iyo gaadiidka Myanmar’s ayaa sheegay in xayiradaasi ay sii jiri doonto ilaa 7 febraayo ee bishan.
Waxaa uu intaasi ku daray in dadka ay isgu gudbinayaa warar been abuur ah oo sida uu sheegay wax u dhimi karo xasiloonida dalkaasi.
Xayiraadan baraha bulshada ayaa imaneysaa kadib markii booliska ay dambiyo ku soo ogeen hpggaamiyihii dalkaasi Aung San Suu Kyi oo aan la arkin tan iyo markii la xiray.
Shirkada facebook ayaa xaqiijisay in xayiraad la saaray iyadoo dhanka kalena afhayeen shirkada facebook uu ku booriyay mas’uliyiinta inay soo celiyaan isgaarsiinta si shacabka ay ugu fududaato inay la xiriiraan qoysaskooda iyo asxaabtooda.