Wasiirka arrimaha gudaha oo la kulmay madaxda Mandera

0
1021


Madaxda siyaasadeed ee ismaamulka Mandera ee gobolka waqooyi bari ayaa kulan la qaatay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’i.
Waxay ka wada hadleen xal u helidda dhibaatooyinka dhanka amniga ee ismaamulkaas ka jiro.
Dr. Matiang’i ayaa sheegay in dowladda dhexe iyo midda ismaamulka Mandera ay iska kaashan doonaan sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhexeysa shacabka iyo saraakiisha ammaanka.
Si gaar ah waxaa loogu dadaalayaa in la gudbiyo warbixinnada la xiriira waxyaabaha khatar gelin karo nolosha shacabka iyo xasiloonida guud.
Kulankan waxaa sidoo kale ka qayb galay abaanduulaha ciidamada booliska ee dalka Mr. Hillary Mutyambai.
Wasaaradda arrimaha gudaha iyo madaxda Mandera ayaa ku heshiiyay in la dhaqangeliyo qodobbada la isla meel dhigay oo ay ka mid tahay in dadweynaha si buuxda looga qayb geliyo qorshahan.
Barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa dhankiisa sheegay in dhawaan shacabka lala wadaagi doono siyaabaha la doonayo in lagu wanaajiyo xaaladda amni ee ismaamulkaas.
Mr. Roba ayaa sidoo kale sheegay in ay wasiirka kala hadleen caqabadaha dhanka waxbarashada ee jiro oo ayna rajeynayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan loo xallin doono.