DHAGEYSO:Tirada dadka isku diiwaangeliyay codeynta ee ismaamulka Wajeer oo weli hooseysa

0
485

Iyadoo diiwaangelinta codbixiyayaasha ee uu wado guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee IEBC oo soo billaabatay 4-tii bishan ay gashay toddobaadkii saddexaad ayaa waxaa weli hooseysa tirada shacabka ismaamulka Wajeer ee howshan u soo baxay.
Madaxa guddiga IEBC ee Wajeer Aadan Harar oo warbaahinta u warramay ayaa xusay in ilaa iyo hadda ay diiwaangeliyeen boqolkiiba 13 ee dadweynaha in kastoo bartilmaameedsigoodu uu yahay diiwaangelinta in ka badan 50,000 oo codbixiyayaal cusub ah.
Waxaa uu shacabka ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan maalmaha haray ee diiwaangelinta.

Aadan ayaa sidoo kale ka hadlay caqabadaha uu guddigu kala kulmay diiwaangelinta codbixiyayaasha