DHAGEYSO:Saraakiil soo qaatay tababar ku saabsan ka hor tagga kalluumeysiga sharci darrada a oo Muqdisho kulan loogu qabtay

0
425

Howlwadeeno ka kala socday wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya, ciidanka booliska iyo xafiiska xeer ilaalinta guud ee qaranka ayaa tababar ku saabsan ilaalinta xeebaha iyo la dagaalanka kalluumeysiga sharci darrada ah waxay ku soo qaateen jasiiradda Seychelles, waxayna dib ugu laabteen magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Kulan casho sharaf ah ayaa waxaa saraakiishaan u sameeyay wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Soomaaliya C/laahi Bidhaan Warsame, waxaana ka qayb galay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo saraakiil ka socotay ciidamada booliska Somaaliyeed.
Agaasimaha C/casiis xaaji Bashiir oo wasaaradda kalluumeysiga Soomaaliya ka socday iyo Maxamad Cali maadeey oo ka socday hoggaanka ilaalinta xeebaha ee booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin waxay ka bixiyeen tababarka ay saraakiishaan qaaateen ee lagu baranayay ilaalinta xeebaha, ka hor tagga kalluumeysiga sharci darrada ah iyo si guud sharciyada caalamiga ah ee badaha adduunka.

Xildhibaan C/laahi Bidhaan Warsame wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Soomaaliya ayaa tababarka ay saraakiishaan soo qaateen ku sifeeyay mid mideeyay hay’ado kale duwan oo hal hadaf leh, isagoo sharraxay qorshaha wasaaradda kaluumeysiga ee badaha Soomaaliyeed.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Soomaaliya Suleymaan Maxamad Maxamuud oo ugu dambeyntii kulankaan ka hadlay ayaa kalluumeysiga sharci darrada ee biyaha Soomaaliya ku tilmaamay musiibo qaran maadaama ay xaalufin xooggan gaystaan.